Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo saakay ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maleeshiyaadka ayaa dagaalkooda wuxuu salka ku haayaa arrimo la xiriira aargoosi aano qabiil, islamarkaana waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalkii saakay halkaasi ka dhacay.
Dagaalka ayaa ka bilowday Kontarool duleedka MagaaladDa u yaallo Maleeshiyaadka, waxaana uu ku fiday Magaaladda gudaheeda.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaan ku dhintay 8-ruux oo labadda dhinac kala ahaa,waxaa sidoo kale jira dhaawacyo.
Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka shabeelaha hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay xalinayaan colaadda labadda dhinac.
Dhanka kale Xaaladda Degmadda Walanweyn ayaa haatan dagan inkastoo xilliyada qaar la maqlaayo dhawaqa rasaas goos goos ah.

