Maxkamada Cadaalada Adduunka ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa shaaciysay waqtiga la bilaabayo dhageysiga Dacwada badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Warqad kasoo baxday Maxkamadda ayaa lagu sheegay in 9-September ee sanadkan 2019 ay bilaaban doonto dhageysiga Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya iyadoona dhamaan doonto 13-ka September ee isla sanadkan 2019-ka.


