Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Af-urur ee gobolka Bari.
Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la sii geliyay ayaa ku qarxay meherad laga shaaho oo ku taalla gudaha tuulada Af-urur halkaasi oo ay fadhiyeen askar ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland iyo dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 5-ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland,7-kalana way ku dhaawacmeen sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.
Al-shabaab ayaa mar qabsaday tuulada Af-urur horraantii bishaan June kadib markii ay ka baxeen ciidamada Daraawiishta Puntland balse 3 maalmood kadib ay isaga carareen waxaana halkaasi dib ugu laabtay ciidamada dowladda.

