Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay duqeyn diyaaradeeda dagaalka ay ka fuliyeen Degmadda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe 15-kii bishaan.
Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (Afrikom), ayaa lagu sheegay in duqeytaas lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerradaan lagu yareenayo dhaqdhaaqyada Al-Shabaab ee gobolka kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada.

