Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa isaga baxay Magaaladda Dhuusa-mareeb kadib markii uu ka Caroodey Ciidamo Dowladdu ku daabuleyso Magaaladda Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa horey usii watay Gaadiidkiisa waxa uuna ku sii Jeedaa dhanka Magaaladda Gaalkacyo isagoo sii maraya Magaaladda Cadaado.
Madaxweynaha ayaa iska diidey in uu la Kulmo Wafdiga Dowladda ee Dhuusamareeb ku sugan waxa uuna sidoo Kale ka xumaa maalmahan sida Xaaladu ku socotay oo Xafiiskiisu Sheegey in aan Taladiisu shageynaynin.

