Kooxo Hubeysnaa ayaa wiil dhalinyaro ahaa waxa ay goordhaweyd ku dileen Xaafadda Xariyaale degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo katirsan booliska ayaa goobta gaaray, kuwaa oo hakad galiyay isku socodka dadka iyo gadiidka.
Magaaladda Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan.

