Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.


