Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa dalacsiisay Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha la dalacsiiyay waxaa kamid ah taliyaha Ciidamadda Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal,halka taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir laga dhigay Gaashaannallayaal.
Munaasabadda lagu dalacsiinayay saraakiisha ayaa xalay ka dhacday Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Somaliya Jeneraal Kaahiye Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka banaadir,waxaana ka qeyb galay Raisulwasaaraha Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiinta.
Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyadda Saraakiisha la dalacsiiyay
Mahad Korow Gaashaanle
Axmed Qadar Gaashaanle
Mooshin Gaashaanle
Yuusuf Xundubey Gaashaanle Dhexe
Bashiir Durqun Gaashaanle
Farxaan Maxamuud Gaashaanle
Yaasin Nuur Khayre Gaashaanle
Maxamuud Jeego Gaashaanle Sare
Jeneraal Saadaq

