Mid kamid ah Ergooyinkii doorashadda sanadkii 2016-kii ayaa ka hor yimid amarka kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab ee ku aadan in ay isa soo diiwaangaliyaan.
Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo kamid ahaa Ergadii Doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacada Simba Ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in uu soo gaaray amarka Al-shabaab,islamarkaana uusan tagi doonin goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab.
Suldaan-ka ayaa sheegay In dhowr jeer Al-Shabaab ay usoo direen fariimo hajabaad ah,islamarkaana alle dilo uu dhinto.
Shabaab ayaa maanta soo saaray bayaan ka kooban 8-qodob oo loogu hadlaayo Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya,waxaan la sheegay in ay diinta ka baxeyn.
Al-shabaab ayaa Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya waxa ay ka fuliyeen dilal loo geystay ergooyinkii soo doortay Xildhibaanadda labadda aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah ergooyinka ayaa horey u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan mas’uuliyadd iska saarin amnigooda,islamarkaana ay xili walba hanjabaad kala kulmaan Al-shabaab.

