Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in lasoo afjaray weerarka.
Weerarka ayaa ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afafka hore ee Hoteelka,waxaana gudaha hoteelka galay dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab, oo gudaha ka sameeyay toogasho.
Ciidamadda amaanka maamulka jubbaland oo gaaray goobta ayaa ku guuldareystay in ay soo afjaraan weerarka oo qaatay muddo 13-saacadood ah,wuxuuna weerarka soo gaaray ilaa saakay salaada Subaxa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland C/nuur Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho,ayaa sheegay in weerarka lasoo afjaray,islamarkaana la toogtay ragii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenka in gudaha hoteelka laga soo saaray meydad fara badan,islamarkaana dhawaan ay warbaahinta la hadli doonaan.
Weerarka lagu qaaday hoteelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin kala duwan.
Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, iyo wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV, seygeeda, iyo wariye ka howlgalayay Magaaladda kismaayo.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka.

