Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotel ku yaallo koofurta Somalia kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof sida uu sheegay afhayeenkiisa..
Guterres waxa uu tacsi u dirayaa qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaas, waxa uuna soo kabasho deg deg ah u rajeeyey dadka ay dhaawacyada soo gaareen sida uu sheegay Dujarric.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xoghayaha guud ee QM uu mar kale muujinayo taageerada uu ku bixinayo midnimada iyo nabadda dadka Soomaaliyeed si ay u helaan mustaqbal nabad ah.
Galinkii dambe ee jimcaha dagaalyahanno hubeysan ayaa weerar ku qaaday hotel ku yaallo magaaladda dekadda leh ee Kismayo oo ku taallo koofurta Somalim iyagoo weerarka bilowgiisa u adeegsaday gaari walxaha lagu lagu soo xiray oo ku qarxay afaafka hore ee hotel-ka la weeraray.
Hotel-ka la weeraray oo lagu magcaabo Madina Hotel ayaa caan ka ahaa magaalada kismayo waxaana ku sugnaa xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo wasiiro, qaar kamid ah xildhibaanada ayaa la sheegay inuu deegaan u ahaa hotel-ka waqtiga uu weerarku dhacayey.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in hotel-ka uu marti gelinayey wafuud badan oo ka arrinsanayay doorashada Jubaland oo kaabiga nagu soo heyso.
Weerarka lasoo afjaray aroornimadii hore ee saakay waxaa mass’uuliyadiisa sheegatay Al Shabab.

