Mid Kamid ah Beelaha iyo Shabaab oo Ku Heshiiyay Dagaalka Macaawisley iyo Dowladda

0

Mid kamid ah Beelaha Dega Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Al-shabaab ayaa ku heshiiyey in ay si wada jir ah ula dagaalamaan Kooxda Macwiisleyda, iyo  Ciidamadda Dowladdda Soomaaliya.

Kulanka oo muddo seddex maalmood ah socday ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo waxgaradka iyo samadoonnada mid kamid ah beelaha daga Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa laga soo saaray qodobo.

Beesha Cabdalla Caroone ayaa ballan qaaday in deegaannada ay ka degto Shabeelaha dhexe ay kasoo erido Ciidamadda Dowladda Federaalka iyo kooxda Macaawisleyda loo yaqaan islamarkaana ay dhaqan geliso ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa markii uu kulanku soo idlaaday warbaahinta u akhriyay qodobadii ay labada dhinac ku heshiiyeen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here