Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Loogu Baaqay in uu Iscasilo+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in uu socdo qorshaha diyaarinta Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Cabdi Faarax Kala dire oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in qorshaha Mooshinka uu socdo,islamarkaana dhawaan lasoo bandhigi doono.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu ku fashilmay Hogaaminta Hir-shabeelle,mudooyinkii dambana uu maamulka galiyay xaaladd aan daganeen,sidaas darteed ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa inta badan lagu eedeeyaa in uu ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay magaaladda Beledweyne kadib markii uu xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolkaas yuusuf Dagabeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here