DFS:-“Ma jiro Wada-hadal u Dhaxeeya Somaliya iyo Somaliland oo Nairobi Ka Dhacaya”,

0

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inaysan jirin wadahadallo Maamulka Soomaaliland kula yeelaneyso Magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Dr; Nuur Diiriye Fursade, ayaa Boggiisa Twitter-kiisa ku sheegay in ay Dowaladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadallo Miro dhal ah lala yeesho Soomaaliland, marka goobta, Ajendaha iyo ka qeyb galayaashuba lagu heshiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo, balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo Mira dhal ah in lala furo Somaliland, marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo,”ayuu yiri agaasimuhu.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here