Wasaaradda Kalluumaysiga Maamulka Puntland oo Ka Hadashay Eedeemo Loo Jeediyay+Sawirro

0

Wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee Maamulka Puntland yaa ka warbixisay eedeemo loo jeediyay oo ku aadan in Maraakiib Shisheeye ay u ogaaladay in si sharcidaro ah kaga kaluumaystaan xeebaha Maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa warbaahinta u sheegay in maraakiibtaas tiradoodu dhan tahay 7 , lagana leeyahay dalka Jabuuti ayna yihiin maraakiib si sharci u kalluumaysan doona.

‘’Maraakiibta waxaa iska leh oo ay ku gooshayaan calanka Jabuuti, iyaga ayaa iska leh, sidii la arki jiray waan ka faa’iidaysanaynaa oo si Sharci ah ayaan uga faa’iidaysanaynaa, halkan ayaan keenay kama qarin dadka, waxaan uga faa’iidaysanayaa si Sharci ah’’ Ayuu yiri Biindhe.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cabdinuur Cilmi Nuur Biindhe ayaa inay Markabkab kasta u direen Koox qiimayn ku samaysa Shabaagaha ay wataan iyo Kalluunka ay qaadan karaan, wuxuu xusay in dadkii qiimaynta sameeyay ay Wasaaradda kuso celiyeen Markab kasta iyo hannaanka uu u Kalluumaysan karo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here