Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug State Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wafdigaan oo iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug kuwaasi oo warbixin kasiin doona xaaladii ugu dambeeyay ee Magaalada gaalkacyo, iyo halka ay marayso waan waantii lagu doonayay in lagu soo afjaro Coolada Magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kasoo cusboonaaday colaad u dhaxaysa Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu burburay heshiiska ay wada saxiixeen madaxweynayaasha labada Maamulka waa C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Maxamed Cali Gaas.

