Digniino Loo jeediyay Milkiiliyaasha Hoteelada Ku Yaala Magaalada Boosaaso+Dhageyso

0

Maamulka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ugu baaqay Milkiiliyaasha Hoteelada ku yaala Magaaladaas in ay ka feejignadaan weeraro lagu qaado Hoteeladooda.

Duqa Magaalada Boosaaso ee dowlad Goboleedka Puntland Yaasin Mire oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in milkiilayaasha Hoteelada Magaalada booosaaso loogu baahan yahay in ay mar walba ka feejignaadaan weeraro lagu qaado Hoteeladooda, kadib weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Internation The Village.

“Milkiilayaasha Hoteelada ku yaala Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari waxaa loogu baahan yahay in ay sameystaan ilaalo tayo wanaagsan oo ka hortaga weeraro lagu qaado hoteelada, shabaab waxa ay ku sugan Yihiin Magaalada mar walba waxa ay u taagan yihiin dhibaateynta shacabka”, ayuu yiri Yaasin Mire.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here