Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galayay Barnaamij ka baxa tv-g Somali Cable xaruntiisa Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Doorashada Somaliya ka dhaceysa sanadkaan 2016-ka in lagu hayo door faragelin oo Dowladdo Shisheeye ah.
Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud ayaa sheegay in Doorashada go’aankeeda inay leeyihiin Ergooyin soo dooran doona xubnaha Aqalka hoose ka soo galaayo Deeganada dowlad Goboleedyada dalka ka jira sidaas awgeed aysan u jiri doonin wax la yiraahdo faragalin shisheeye.
Dhawaan waxaa soo baxay in Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Turkey-ga in ay isku garbinayaan cida maamulaysa siyaasadda Soomaliya, dowladda imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay shir iskugu yeertay Madaxda maamul Goboleedyada dalka jira kaasi oo la sheegay in loogu hadlay cid soomaliya madaxweyne ka noqonaysa sanadkaan 2016-ka.
Dhanka kale Dowladda Turky-ga ayaa la aaminsan in ay door weyn ku leedahay faragalinta lagu hayo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Safariika dowladda turkey-ga u fadhiya Soomaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa dhawaan si cad u sheegay in ay jiraan dowladda faragalin ku haya doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan.

