Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya oo Sheegay in Al-shabaab Laga Saari Doono Degmada Tiyeglow

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan ayaa kulamo la qaatay  Mas’uuliyiinta degmada Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  iyagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka degmada Xudur, iyo arrimo la xiriira hormarka degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan oo warbaahinta kula hadlay degmada Xudur ayaa soo hadal qaaday arinta la wareegitaanka Al-shabaab degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool isagoo sheegay in maalmaha soo socda laga saari doono Al-shabaab degmadaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here