Dowladda Mareykanka oo Siyaasiyiinta Somali-land Kala Hadashay  Ka Qeyb Qaadashada  Doorashooyinka+Dhageyso

0

Dowlada Maraykanka iyo Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay ka qeyb qaadashada Geedi socodka Doorashooyinka dalka Soomaliya sanadkaan ka dhacaya.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi boqore oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Somali-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada maamulka Somali-land iyo madax ka tirsan dowladda Mareykanka ay si wadajir ah ugu wada hadleen sidii loogu qeyb qaadan lahaa Geedi socodka Doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaya.

“Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Somali-land  iyo madaxda ka Tirsan dowladda Mareykanka ee ku kulmay Magaalada Muqdisho waxa ay kawada hadleen qaabka ugu macquulsan ee loo qancin karo siyaasiyiinta Somali-land ee kasoo horjeeda qaabka loo qeyb saday xubnaha aqalka sare ee dalka ayuu yiri” Xildhibaan Cusmaan Cilmo boqore oo simba la hadlay.

Sidoo kale Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in maanta oo sabti ah ama maalinta axada qodobo laga soo saari doono waxbaalaha lagu heshiiyay islamarkaana siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in la doodsiiyo waxyaalihii ay xaqa u lahaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here