NRC :-“85,000 kun oo Shacab ah ayaa Ku Baracakay Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug”,

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda NRC, ayaa ku sheegtay in ugu yaraan 85,000 kun oo qof ay ku barakaceen colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo  ee  xarunta Gobolka Mudug ee bilaabatay horaantii bishan.

Hay’adaan safka hore kaga jirta daryeelka qaxootiga, Norwegian Refugee Council ayaa walaac ka muujisay nolosha qoysaska ka cararay Xarunta Gobolka Mudug, ee gaaray deegaanada ka baxsan Magaalada Gaalkacyo.

C/qaadir Axmed  waa Agaasimaha Hay’adda NRC ee Somaliya, wuxuu sheegay inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo, ay ku sugan yihiin qoysaska isu deyaaya inay ka baxsadaan colaadda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolk Mudug.

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xiisadda ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo, ay sii murjisay xaaladda nololeyd ee shacabka reer Gaalkacyo  wuxuu Maamulada Galmudug & Puntland ugu baaqay inay joojiyan dagaalka  Magaalada Gaalkacyo, ayna ka shaqeeyan hab lagu xalin karo colaada  u dhaxeysa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here