Madaxweynaha:-Madaxda Hir-shabeelle Ha Xaliyaan Tabashooyinka Bulshada G/Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo qudbad ka jeediyay Xaflada Caleema-saarka madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir-shabeelle ayaa madaxda maamulkaas ku bogaadiyay in ay xaliyaan tabashooyinka bulshada ku nool Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Munaasabadda Caleema-saarka ee ka dhacaysa magaalada Jowhar ay tahay mid si wada jir ah loo qabtay, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaca Dowladda Soomaaliya waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta howshan, iyo mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ee ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagana waan u mahadcelinayaa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bogaadiyay Socdaalkii Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-shabeelle mudane Cali C/laahi Osoble oo ku tagay Magaalada beledweyne si uu  u xaliyo tabashooyinka reer Hiiraan.

“Dowladda Federaalka ma ogalaan doonto in maalin ay dib u dhac ku timaado hanaanka doorashada, waxaana bogaadinayaa sida ay u socdaan u diyaar garowga aqalka Hoose oo iminka la soo xulaya ergooyinkii dooran lahaa, halka aqalka sare goor hore intooda badan la soo dhameystiray”. ayuu yiri Maadaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here