Uhuru Kenyatta oo Ururka Midowga Afrika ka dalbaday la balaariyo Howlgalka Amisom

0

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta, oo qudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika ee Magaalada addis ababa  ee dalka Ethopia ayaa ururka ka codsaday in la balaariyo howlgalka Midowga Africa ee amisom.

Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in dowladiisa ay dhiiranaan xoogan ka qaadeyso weerarkii dhawaan al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde isagoo sheegay in dowladiisa ay ka aar gudan doonto Al-shabaab,

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa madaxda Midowga Africa sidoo kale ugu baaqay in hal dhinac loogu soo wada jeesto la dagaalanka al-shabaab isagoo sheegay in dowlada Kenya ay mar walba diyaar u tahay ciribtirka al-shabaab,

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya xili sanadkaan Gudihiisa ay weerar qasaaro uu kasoo gaaray ciidamada Kenya lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here