Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha wadanka Chad Idriss Déby Itno. Ayaa sheegay in sanadkaan diirada la saari doono xasilinta wadamada afrika ee colaadaha ay ka jiraan
Madaxweynaha Jamhuuriyada Chad Idriss Déby Itno. Oo shalay xilka kala wareegay Gudoomiyihii Hore ee Ururka Midowga Africa ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa sheegay in sanadkaan diirada la saari doono xaalada colaadeed ee ka jira wadamada Burundi, South Sudan, Libya, Somalia,
Dhanka kale xoghayaha Guud ee qaramada Midoobe Ban Ki Moon oo shir madaxeedka ka hadlay ayaa ugu baaqay Hogaamiyaasha Midowga Africa in ay diirada saaraan xasilinta colaada ka jirta wadamada Burundi iyo koonfurta suudaan,
Hogaamiyaasha Midowga Africa ayaa maanta mar kale ku shiri doona Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia iyadoo kulanka diirada lagu saari doono sidii ciidamo nabad ilaalin loogu diri lahaa wadanka Burundi inkastoo uusan shirka ku sugneen madaxweynaha wadanka Burundi, Pierre Nkurunziza’

