Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Maanta Gaaray Magaalada Docoley+Sawiro

0

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta gaaray deeganka  Docoley oo Magaalada Cadaado dhinaca woqooyi bari kaga beegan 45-km.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir waxaa kamid ahaa wasiirka amniga Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed, wasiir ku ixgeenkiisa, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug,

Waxaa deeganka Docoley kusoo dhaweeyay wafdiga dadka deeganka iyagoona kala sheekeystay Nolosha deeganka ka jirta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin xiligaan dadka ku nool deeganka Docoley.

Taliye ku xigeenka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac C/lle Xabeeb oo warbixin kooban siiyay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Magaalada Docoley laga qorayo 20-Askari oo Boolis  ah kuwaasi oo dhawaan Tababar kusoo qaadan doona Magaalada Cadaado isagoona hadalkiisa ku daray in ay ka qeyb qaadan doonaan Nabad galyada Magaalada,

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo la hadlay odoyaasha iyo waxgaradka deeganka Docoley ayaa u sheegay in deeganka uu kamid meelaha ugu nabad galyada wanaagsan dadka ay ka shaqeyeen Hormarka deegaanka,

da def edr hyh kli mjy tgy

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here