Sida ay sheegeen Laamaha amaanka Booliska dalka Kenya Al shabaab ayaa qorshaynaya in weerar ku qaadaan dalkaas.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Joseph Boinnet ayaa sheegay in qaar ka mid ah xoogag ka tirsan Al shabaab ay isku qarinayaan degaanada Hida iyo Dambala ee gudaha Somalia ayaga oo iska dhigaya xoola dhaqato balse qorshaynaya in ay weerar ku qaadaana dalka Kenya.
Joseph Boinnet ayaa sidoo kale sheegay in goobaha ay suurtagalka tahay in laweeraro ay qeyb ka yihiin shaqaalaha ammaanka iyo deegaanada ku yaala xuduuda Kenya ay laleedahay Somalia sidoo kale waxaa ka mid ah ayuu sheegay meelaha ay ka mid tahay in laweeraro gaadiidka wada dadka rakaabka ah ee maraya degaanada ku dhow xadka Somalia
Taliyaha aboolkiska ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in hadda al shabaab ay bedeleen qidadii ay adeegsanjireen islamarkaana ay isku qaybiyeen kooxo yar yar si ay wadanka uga soo galaan meelo ay ka mid tahay Mandera, Wajir, Garissa and Lamu.

