Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in gowdhweyd uu qarax xoogan oo qasaare sababay uu ka dhacay deegaanka ka tirsan gobolka galgaduud
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo ku qaraxday gudaha saldhiga deegaanka ceeldhere ee gobolka galgaduud
Waxaana lagu soo waramayaa in qaxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Inta laxaqiijiyay ilaa laba qofood ayaa waxa sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa goordhaw ka dhacay gudaha saldhiga ciidanka booliska ee deegaanka ceeldhere
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa maamulka galmudug iyo ciidanka dowladda ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay
Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in ciidanka dowladdu ay dhaqdhaqaaqyo ciidanka ka wadaan deegaanka ceeldhere ee gobolka galgaduud
Majirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada qaraxa maanta ka dhacay deegaanka ceeldhere

