wararkii ugu dambeeyay oo aan ka helayno magalada balad xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa sheegay in ciidamada dowladda oo gurmad kala duwan uu soo gaaray ay dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada magaalada bald xaawo oo ay dagaal kula galeen jabhad uu hogaaminayo wasiirka amniga jubbaland
jabhadaan cabdirashiid janan ayaa xalay la sheegay in ay la wareegeen ciidanka saldhiga magaalada iyo qeybo ka mid ah balad xaawo
balse dagaal sakay arooti biloday ay ciidanka dowladdu ay dib ugu qabsadeen goobihii xalay ay la wareegeen jabhadu
Gudoomiyaha degmada balad xaawo ee gobolka gedo oo lahadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii kasocday magaalada balad xaawo uu dhamaaday islamrkaasna ay hada gacanta ku hayaan ciidanka dowladda
gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hada ay aysan dhib ah u aqiijin qasaaraha ka dhashay dagaalka balse uu jiro qasaare kala duwan
dhankale gudoomiyaha degmada balad xaawo waxa uu sheegay in gabi ahaanba ay dagantahay xaalada degmada balad xaawo islamrkaasna ay gacanta ku ahayaan ciidanka dowladda amniguna uu suganyahay
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo

