waxa barqanimadii maanta laba qof oo shacab ah lagu dilay isgooska carwa idko degmada warta nabada ee gobolka baanadir
rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in dilkaani ay geeysteen islamarkaasna ay goobta iskaga baxasadeen dilka kadib
dadka goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in rag bastoolado ku heysan ay dileeen laba qofood oo aan heybtooda la garaneyn xili ay ku sugnaayeen isgooska cawa idko oo udhexeya xaafada laba dhagax iyo isgooska bar wax ee degmda howlwadaag
dilka kadib waxa goobta uu dilka ka dhcay gaaray ciidamo ka tirsan dowladda waxaana in muddo hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiid walow markii dambe uu furmay
ilaa iyo lama oga sababta loo dilay labadaan qofood oo la sheegay in ay aheeyeen dad shacab ah
sidookale majirto cid sheegatay masuuliyada dilka maanta ka dhacay isgooska cawo idko ee magaalada muqdisho
maalmihii dambe waxa magaalada muqdisho kusoo badanayay dilalka iyo qaraxyada ,waxaana muddo ka yar 24 saacadood gudohooda magaalada muqdisho dilal qorsheysan loogu geeystay ku dhawaad 10 qofood oo iskugu jiray askar ka tirsan dowladda dad shacab ah iyo siyaasiyaasiyiin kuwaas oo lagu dilay qaraxyo iyo dilal ka dhacay muqdisho
iyadoona dilkaan maanta ka dhacay isgooska carwa idka uu kusoo aadaya xili saakay dadka dagan xaafada xamar jadiid ee isla dagmada wartanabada ay kusoo tooseen laba qofood oo meyd kooda uu yaalo jidka kuwaas oo aan la garaneyn cida dilka u geeysatay

