Maamulka Puntland Oo Ciidamo Badan Udaabulay Magaalada Badhan

0

magaalada badhan ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada iyo degmooyinka ay inta badan isku qabsadaan cida u talinaysa maamulada puntland iyo soomaaliland

waxaana maanta magaalada badhan gaaray ciidamo badan oo ka tirsan maamulka puntland kuwaasi lagu amray in ay sugaan amniga magaalada oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amniga kasoo horjeeda

wararka aan ka helyno magaalada badhan ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka puntland uu ciidamao farabadan uu geeyay magaalada badhan ee gobolka karkaar

waxaana la sheegay in maamulka puntland uu dhamaan saraakiishii ciidanka ee ku sugnaa badhan lagu sameeyay shaqa islamrkaasna waxa la sheegay in badalkooda la geeyay saraakiil kale

saraakiisha ciidan ee maanta laga geeyay magaalada badhan ayaa waxa la sheegay in lagu amray in ay xaqiijiyaan amniga guud ee magaalada islamrkaasna ay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo ka shaqeynaysa amni xumo

waxa kaloo wararku sheegayaan in magaalada badan ay maalmihii aan soo dhaafnay xubno ka tirsan maamulka soomaaliland iyo dhaqdhaqaaqyo ku saabsan doorashooyinka somaliland in ay magalada badhan kasocdeen taasina ay u cutami weysan maamulka puntland oo maanta halkaasi ciidamo badan geeyay

waxaana ciidamadaaasi la sheegay in ugu dambeyn la faray in ay ka hortagaan maamulka soomaaliland oo doonaya in galaangal siayaasadeed uu kasameysto halkaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here