wararka ka imaanaya degmada balad xaawo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka tirsan dowladda iyo jabhada uu hogaamiyo wasiirka amniga jubbaland cabdirashiid janan in dagaal xoogan uu xalay iyo saakay dagaalkoodu kasocdo magaalada balad xaawo ee gobolka gedo
waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalku uu yahay mid culus oo laisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan islamarkaasna uu ka dhashay qasaare kala duwan
maamulka jubbaland ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi waxaana ay sheegeen in ciidamada dowladda ay soo weerareen islamarkaasna dagaalka uu keenay in ilaa iyo gudaha magaalada laisla galo
madaxweyne ku xigeenka mamaulka jubbaand maxamuud sayid aadan oo la hadlay laanta afka somaliga ee bbcda ayaa waxa uu sheegay in dagaal uu kasocdo degmada balad xaawo kaas oo sheegay in lagu soo qaaday ciimada c/rashiid janan oo difaac ku jiray
madaxweyne ku xigeenka ayaana waxa uu tilmaamay in ciidanka jubbaland ay gacanta ku dhigeen saldhiga degmada balad xaawo ciidanka dowladda
dhankale waxa uu sheegay in ciidamada dagaalka kula jira dowladda ay yihiin ciidanka daaawiishta dowlad goboleedka jubbaland islamrkaasna waxa uu beeniyay in jabhadani uu wato c,rashiid janan ay tahay mid ay soo hubeysay dowladda kenya

