wararka aan ka helayno xafaad ka tirsan degmada warta nabada ee gobolkaani banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in laba nin oo dharcad ah islamrkaasna loo shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ciidamada nabd sugida maydkooda lagu arkay xaafada xamar jadiid ee degmada warta nabada
dadka degan xaafada xamr jadiid ayaa sakay waxa ay kusoo tooseen meydka la nin oo dharcad ah kuwaasi oo aan ilaa iyo hada la xaqiijin cida ay yihiin
waxaana wararku ay sheegayaan in goobta uu meydkuyaalay ay gaareen ciidamo ka tirsan ku nabd sugida dowladda faderaalka soomaaliya kuwaasi oo dadka ka celinaya halka uu meyd yaalay
majirto cid sheegatay masuuliyada dilka loogeystay labadan nin oo la aaminsanyahay in ay yihiin ciidamada dharcadka ee dowladdu ku daadisay xaafadaha degmooyinka qaar
magaalaada muqdisho waxa maalmahaan kusoo badanayay dilal qorsheysan iyo qaraxyada waxaana xusid midan in shalay kaliya qaraxyo iyo dilal muqdisho looogu geeystay xildhibaano hore iyo askar katirsan ciidanka dowladda
dilalkaasi waxa intooda badan dhabarka u ritay dagaalamayaasha al-shabaab kuwaasi oo sheegay in dagaalyahano katirsan ay dilalkaasi iyo qaraxyadaasi ka dhacay muqdisho ay fuliyeen

