
wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tiran dagaalamayaasha al-shabaab iyo ciidamada maamulka jubbaland in dagaalo ay ku dhexmareen saacadiihii lasoo dhaafay duleedka magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose
ilaa iyo laba weerar ayaana la sheegay in uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose
wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in dagalaamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidanka jubbaland ay ku lahaayeen deegaanka cabdila biroole ee ku yaal duleedka maagaalada kismaayo Halka weaerarka kalana la sheegay in uu ka dhacay deegaanka barsanguuni
waxaana lagu soo waramayaan in weeraradaasi uu geeystay qasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka ka dhacay duleedka magaalada kismaayo waxaana ay sheegeen qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidanka mamulka jubbaland
al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegeen in barkoontarool oo ciidamada mamaulka jubbaland ay ku lahayeen afaafka hore ee deegaanka cabidilabiroole ay weerareen islamrkaasna ay ku dileen 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka jubbaland kuwaasi oo ay sheegeen in markii dambe ay usoo gurmadeen ciidanka keenya
Dhanka kale Al-shabaab ayaa waxa ay guulo ka sheegteen weerar ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo waxayna ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen hal askari islamrkaasna ay ku dhaaweceen ilaa iyo sadax kale oo askari .
al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay la beegsdaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada dhaca gobolada jubooyinka
