Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Ka Badbaaday Qarax Lala Eegtay Kolanyo Uu La Socday

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar hor leh oo qarax ah islamrkaasna khasaare dhaliyay lala beegsaday mas’uuliyiin iyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka xili ay socdaal kumarayeen meel udhaw garoonka balidoogle oo dhaca gobolka shabeelaha hoose .

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Balidoogle waxaana lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha Sh/hoose C/qaadir Siidii iyadoona lasoo sheegayo in qaraxaasi uu dhaliayay qasaare kala duwn oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaani waxaana ay sheegeen in wweerar qarax ah ay la damacsanaayeen in ay ku qaarajiyaan gudoomiyha gobolka shabeelaha hoose balse uu ka badbaaaday

al-shabaab wararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in weeraarkaani ay ku dileen sedax askari halka 5 kale ay dhaawaceen.

warkaan kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa lagu in guddoomiyaha Sh/hoose uu si dirqi ah ku badbaaday islamrkaasna uu gabi ahaanba gubtay gaari nuuca dagaalka ah oo kamid ahaa kolonyadii gelbinaysay mas’uulka ay qarax la beegsadeen.

waxaana ay in taasi ku dareen in Qaraxa uu ka dhacay meel ku dhow saldhigga Balidoogle oo ay ku suganyihiin saraakiil American ah halkaas oo ay sheegeen in diyaaradaha Drone-ka ee duqeymaha ka geysta deegaanno katirsan G.Sh/Hoose ay kasoo kacaan.

mahan markii ugu horeysan oo sidaan oo kale qarax lagu la beegsado konlonyo uu lasocday gudoomiyha gobolka shabeelaha hoose
waxaana axadii todobaadkaan ayay aheyd markii qarax xoogan lala eetay masuuliyiin iyo ciidamada dowladda oo uu la socday gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose cabdiqaadir siidii

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here