Ciidamada Dowladda Oo Toogasho Ku Dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan

0

Waxa xalay Fiidkii la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay dileen gudoomihiyii degmada hodan ee gobolkaan banaadir Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhaga-juun xili uu marayay wadada looyaqan jidmareexaan ee degmada howlwadaag

Dilka gudoomiyaha ayaa waxa la sheegay in uu kadib markii ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda iyo ilaalo lasoctay gudoomiyaha uu iska hor imaad dhaxmaray islamrkaasna ay kala shakiyeen sidaasna rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada lagu dilay gudoomiyhii degmada hodan

wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in gaariga uu lasocday gudoomiyaha uu rasaas ku furay in watay qoriga loo yaqaan BKM islamrkaasna uu baxsaday haatana ay ciidamada dowladdu ay baadigoobayaan

warar kale duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhacay werarkii xalay lagu dilay gudoomiyaha degmada hodan iyadoona hada la heegay in dilka loo xiray taliyaal ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka degmada howlwadaag oo ay shaqaaqadu ka dhacday iyo iyo taliyaal kala oo lagu tuhmayo in dilkaaasi

Alla unaxariis gudoomiyaha degmada hodan ee la dilay ayaa waxa la sheegay in shalay uu dalka dib ugu soo laabtay kadib markii xaalad caafimaad lagu qaaday dalka dibadii isagoo ku dhaawacmay qarax lagu la eegtay isgooska km4 ee magaalada muqdisho

waxaana uu  shir gudoomiyay shirka todobaad laha ah ee degmooyinka hodan iyo howlwadaag

maamulka gobolka banaadir ayaa waxa la sheegay in hada uu guddi u saaray aaska gudoomihii degmada hodan ee geeeriyooday

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here