Ciidamada kumaandooska Danab ururka 6 aad ee xoogga dalka ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Shabeeloow oo Qiyaastii 20km u jirta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug
waxaana la sheegay in Iska hor imaad kooban uu dhexmaray ciidamada dowlada iyo al-shabaab intaasi ka dibna dowladda warkasoo baxay waxa lagu sheegay in xubnihii ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaaab ay isaga cararay goobtii lagu dagaallamay,
iyadoo warka dowladda kasoo baxay lagu sheegay in dadka reer Bacaadweyne ayaa door muhiim ah ka qaateen dagaalka ka dhan ka ah al-shabaab
Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka lagu la jiro dagaalamayaasha al-shabaab.
Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geeysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaasoo dowlaaddu shegtay in dhibaato ay ku haya qaar ka mid shacabka ku nool deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

