Ciidanka Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

0

Ciidamada kumaandooska Danab ururka 6 aad ee xoogga  dalka ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Shabeeloow oo Qiyaastii 20km u  jirta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug

waxaana la sheegay in Iska hor imaad kooban uu dhexmaray ciidamada dowlada iyo al-shabaab intaasi ka dibna dowladda warkasoo baxay waxa lagu sheegay in xubnihii ka tirsanaa  dagaalamayaasha  Al-shabaaab ay isaga cararay goobtii lagu dagaallamay,

iyadoo warka dowladda kasoo baxay lagu sheegay in dadka reer Bacaadweyne ayaa door muhiim ah ka qaateen dagaalka ka dhan ka ah al-shabaab

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka  lagu la jiro  dagaalamayaasha al-shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geeysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago dagaalamayaasha  Al-shabaab kuwaasoo dowlaaddu shegtay in dhibaato ay ku haya qaar ka mid shacabka ku nool deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here