wasiirka amniga maamulka galmudug axmed macalin fiqi oo boqaday deegaanka bacaaweyn oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexyaa dagaala mayaasha al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan dagaalada
mamaulka galmudug iyo al-shabaab ee ka dhacayay mudooyinkii dambe deegaanaada mamaulkaas
waxaana wasiirka amniga galmudug uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab
wasiir fiqi ayaa waxa uu shaaciyay in maamulka galmudug uu u diyaarsan yahay in dagaal saf balaanran ay ku qaadaan dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana uu dhamaan dad reer galmudug uu ugu baaqay in ay qeyb tooda ka qaataan dagaalka lagu jiro al-shabaab islamrkaasna ay garab istaagaan ciidan maamulka galmudug iyo kuwa dowladda oo uu tilmaamay in shacabka ay taageersanyhiin
maamulka galmudug deegaanada uu ka arimiyo mudooyinkii danbe waxa ka dhacayay falal amniga lidi ku ah oo iskugu jira dil afuub iyo dagaalo iskugu kuwa beeled iyo kawa ay fuliyeen dagaalamayaasha al-shabaab
waxaana jirta in dagaalada kordhay ee ka jira deegaanada galmudug lagu eedeeyay in ay madaxda maamulka galmudug gaar ahaana wasaarada amniga kuwaasi oo ilaa iyo hada aan tilaabo qadin
maamulka galmudug ayaase hada ku dhawaaqay in uu qaadayo tilaabo horleh oo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab

