Kulan looga hadlayay dardargalinta howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaab oo lagu qabtay magaalada xudur.
Taliyaha Qeybta 60aad Sareye Guuto Maxamed Sheekh Abdullahi Ciirow ayaa Kulan Laqaatey Saraakisha Guutada 9 aad Ee qeybta 60-aad isagoona ka Xog Wareystey Xalada Guud Ee Ciidanka iyo Ladagaalanka dagaalamayaasha Al-Shabaab
Taliyaha qeybta 60-aad xoogga dalka Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi Ciiroow ayaa wuxuu kulan la qaatay saraakiisha guutada 9-aad qeybta 60-aad xoogga dalka.
Wuxuu ka xog wareeystay xaalada amni ee gobolka bakool iyo dagaalka gobolkaasi degaanada ay ka joogaan al-shabaab iyo sidii looga saari lahaa
waxaana uu tilmaamay taliyuhu in ay al-shabaab ka xoreynayaan deegaanada dhaca gobolka bakool sida uu hadalka u dhigay Jeneraal Ciiroow
Jeneraal maxamed sheikh cabdulaahi ayaa saraakiisha guutada 9-aad kula dar-daarmay inay kordhiyaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaab ee kasocda gobolka bakool.
waxaana tani ay imaaneysa xili dhawaan ay halkaasi gaareen wufuud kala duwan oo uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka koonfur galbeed lafta gareen sababtuna ay aheyd qeylo dhaan ka timid sida la sheegay dadka shacabka ah oo ku aadan in al-shabaab ay godoomiyeen deegaano dhaca gobolka bakool
