Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay deegaan hoos taga degmadda Wanllaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Gudoomiyaha iyo saraakiisha Ciidamadda Danab ee saldhiga ku leh Deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xubnaha qaraxa lala eegtay ayaa waxaa hogaaminayay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Sidii), waxaana kamid ahaa taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer yare).
Warar soo baxaya aya sheegaya in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka Tirsanaaa Ciidamadda Danab,khasaare kalana lama soo sheegin,balse waxaa jira dhaawacyo.

