Al-shabaab Oo Weeraray Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Kenya

0

wararka ka imaanaya gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay weerar nmadaafiic ah iyo dagaal toos ah lagu qaaday saldhig ciidanka keenya ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan  gobolka jubbada hoose

dagaalka iyo wearrarka  madaafiicda ah ayaa waxa  la  sheegay in uu yimid ka dib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weearar xoogan oo madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ciidamada keenya ee ku yaalay deegaanka hoosingow ee gobolkaasi jubbda hoose

dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen dhawaqa rasasta ay isweydaarsanayeen iyo jugta culus ee madaafiicda balse aysan sheegikarin qasaaraha ka dhashay

waxaana lagu soo waramayaa in werarakani madaafiicda ah uu ka dhshay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada werarka madaaficda ah ee lagu qaaday saldhig ciidamada keenya ay kulahaayeen deegaanka hoosingow

waxaana al-shabaab ay sheegteen in weerrarkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamadsa kenya ee ku sugnaa xarunta ay weerareen iyagoo intaasi ku dareen in madaafiicda ay ku garaaceen saldhiga ciidamada kenya ay gudaha ugaleen saldhiga qasaarana uu ka dhashay

dhankale ciidamada kenya ayaa waxa la sheegay in iyaguna ay weerarkaasi ay  ugu jawaabeen madaafiic ilaa iyo hadana lama oga cid ku waxyeelowday madaafiicdaasi

al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay labeegsdaan ciidanka keenya waxaana dhowr jeer oo hore ay guulo uga sheegteen weeraro ay ku qaadeen ciidamada kenya oo ka mid ah  ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya ujooga ee amisom

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here