Al-shabaab oo 10-sano Kadib Doonaya in ay la Wareegaan Dhuusa-mareeb iyo Guriceel

0

Dagaalyaanadda Al-shabaab ayaa 10-sano kadib doonaya in ay qabsadaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb ee Galgaduud Galgaduud ee Dowladd Goboleedka Galmudug.

Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Ceeldheere oo 30km u jira Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta degaanka, kadib dagaal socday muddo saacado khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee xalay dagaalamay.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa isla xalay la wareegay Deegaano ka Tirsan gobolka Mudug ee isla Dowladd goboleedka Galmudug.

Wasiirkii ku-xigeenkii Hore ee Gaadiidka cirka iyo dhulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay shabaab ay qarka u saran yihiin in la wareegeen Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Shabaab ay kordhiyeen weeraradda hoobiyayaasha ay habeen walba ay kusoo wareeraan Magaladda.

Dhanka kale Wasiirkii ku-xigeenkii Hore ee Gaadiidka cirka iyo dhulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor), iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay gabeen shaqadii loo igmaday,islamarkaana uu noqday nin uu ku adeegto Madaxweyne Farmaajo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here