warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax ah oo xalay lala beegsaday goob ay kasoctay diiwan galinta cod bixinta doorashada deegaanada soomaaliland
bamba gacmeed ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray xarunta cod bixinta doorashada ee degmada laas caanood ee gobolka sool
waxaana wararku ay sheegayaan in qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax lagu weeraray xarunta cod bixinta doorashada soomaaliland ee magaalada laascaanood
ilaa laba askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen halka hal qof oo shacab ahna la sheegay in uu ku geeriyooday
ciidanka booliska soomaaliland ayaa waxa lasheegay in xalay ay howlgalo balaaran ka bilaabeen goobta bamgacmeedka lagu weeraray
waxaana la sheegay in ciidanku ay howlgaladaasi ay kusoo qabqabteen dad badan oo looga shakisay yahay in iyagu ay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay magaalada laascaanood
majirto ilaa iyo hada cid si dhab ah u sheegatay masuuliyada qaraxa lagu weeraray xarunta cod bixinta doorashada mamaulka soomaaliland
guddiga doorashada maamulka soomaaliland ayaa dhawaan sheegay in deegaano dhowr ah oo shaqaaqooyin ka jiraan in ay ka bilaabayaan cod bixinta doorashada

