Qoor-qoor:-“Doorasho ay Ka Maqan Yihiin JL iyo Puntland dalkaan kama Dhacayso”,

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in doorasho ay ka maqan yihiin Putland iyo Jubbaland ay dalka ka dhacayso.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in aysan jirin cid ku heshiiyay in doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland ay dalka ka dhacdo.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay hadal kasoo yeeray midowga Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadanaa in arrimaha doorashadda iyo tan Jubbaland iyo Puntland.

“Saaxibkey Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu yiri warqad nooma soo qorin Axmed Qoorqoor, warqad nooma soo qorin ayaa ku filan inay tahay war in la difaaco kaliya lagu tala galay ee aan xaqiiqadi aheyn maxaa yeelay markii horeba ayaga warqad iima soo dhiibin, waad garan kartaan waa wax la fahmi karo”ayuu yiri Qoorqoor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here