Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa waxa lasheegay in mar uu qudbad jeedinayay in uu sheegay hadalo gafka ahaa ay dhawaan kasoo yeereen guddoomiyaha maamulka ‘Puntland’ ugu magacaaban gobolka Mudug.
waxaana al-shabaab waararka ay barahooda intarneetka ku faafiyaan ay ku sheegeen in nin kaasi uu u gafay diinta islamarkaasna ay ku baaqayaan in la dilo
Al Shabaab ayaana amray in la dilo Cabdi Ladiif Sanyare kaasi oo ay ku eedeeyeen in si aan gambasha laheyn u sheegay in uu dhibsado Masaajidda iyo Aadaanka salaadaha.
warkasoobaxay al shabaab ayaa lagu sheegay in Sheekh Cali dheere uu si faah faahsan uga hadlay heerka ay gaarsiisan tahay hadalada kasoo yeeray gudoomiye Sanyare oo al-shabaab ay sheeeen in dhowaanuu magaalada Gaalkacyo ka iclaamiyay dagaalkiisa ka dhanka ah Masaajidda islamarkana ay sheegeen in nin kaasi uu ku goodiyay in uu xirayo masaajidada ay muslimiintu ku cibaadaystaan.
sidookale warkasoo baxay al-shabab ayaa lagu sheegay in Afhayeenka Al Shabaab uu bidhaamiyay in Sanyare uu ziyaadsaday kufriga iyo galnimada uu dhex mushaaxayo isagoona la sheegay in cali dheere uu si adag uga hadlay wixii uu ku hadaaqay guddoomiyaha gobolka Mudug ugu magacaaban maamulka ‘Puntland’.

