Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dad Ka Afduubtay Duleedka Matabaan Iyo Howlgalo Socda

0

wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo wramayaan in maleeshiyaad hubeysan ay dadka afdubteen deegaanka hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan

waxaana la sheegay in dadka la afduubtay ay ahaayeen dad shacab ah oo kasoo safray magaalada gureceel islamarkaasna kusoo jeeday magaalada muqdisho ee caasiamada dalka
balse maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay waddada ugaleen islamarkaasna dad kala dageen gaariga

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 10 qof oo gaariga saarna ay la dageen maleeshiyada hubeysan xilli gaarigu uu marayay deegaanka goobo oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan

lama oga ilaa iyo hada sababta rasmiga ah ee loo afduubtay dadkaan shacabka ah iyo sidookale ilaa iyo hada lama oga halka lala aaday dadkaani la afduubtay

waxaana lasoo sheegayaan in falkaan lagu tuhmayo in uu salka ku hayo aan nooyin qabiil maadaam lasheegay in maleeshiyada hubeysan dadka afduubtay ay u abaabulnaayeeb habbeeleed

ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo waramayaan in saakay ilaa xalay ay wadeen howlgalo lagu baadigoobayo maleeshiyadii dadka ka afduubatay duleedka degmada matabaan ee gobolka hiiraan

dhankale majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda faderaalka ah iyo maamulada galmudug iyo hirshabeele oo ku aadan dadkaan laga afduubtay deegaanka goobo oo qiyaastii 11 km u jira degmada matabaan ee gobolka hiiraan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here