Dowladda Oo War Kasoo Saartay Duqeyntii Lala Beegsaday Idaacada Al-Shabaab

0

iyadoo Degaanka kuunya Barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellada Hoose lagu duqeeyay dhawaan  Xarunta  Idaacada ku hadasha Afka dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa  waxa duqeyntaasi war kasoo saartay dowladda waxaana  ay sheegtay in duqeyntaasi lagu bur buriye Xarunta Idaacada iyadoona la sheegay in ay  iska kaashaday duqeynta diyaaradeed Kumaandooska Xoogga Dalka iyo Africom.

warka dowlada waxa kaloo lagu sheegay in  Xarunta idaacada ku hadasha Afka  Al-shabaab ee  la burburiyay in laga sii deen jiray fikirada qaldan 

Xiliga weerarka duqeynta Idaacada lagu bartilmaameysanayay waxaa Xarunta Idaacada Afka dagaalamayaasha al-shabaab  ku hadasha uu ka socday Mid ka mid ah Barnaamiyada lagu qaldo dadka shacabka waxaana gudaha IStudiyaha ku sugnaa mid ka mid ah Horjogaaysha Al-shabaab  sida lagu sheegay warka kasoo baxay deowladda.

Xarunta Idaacada la duqeeyay waxaa dowladdu sheegtay in ay  ku sugnaa Wariyaal ka tirsan  Al-shabaab iyo Horjooge ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlayay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarka duqeynta lagu dilay wariyaal u adeega dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Duqeynta lagu dilay Agaasimaha Idaacada ku hadasha Afka  Al-shabaab C/Raxmaan Cali oo Magaca Afgarashada Al-shabaab looga garan og yahay khaashic , Wariye Ahamed Dalmar Abuu Warsame,Wariye Maxamed Cali Aadan  

Sidoo kale Duqeynta  Waxaan lagu dilay Horjooge Ismaciil dubud Shig shigow oo Xiligaasi lagu wareysanayay Mid ka mid ah Barnaamijyada lagu qaldo dadka shacabka ayaa lagu yiri warka dowladdu ay kasoo saartay duqeyntii lala beegsaday todobaadkaan idacaada aaal andulus.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here