Jadwalkii 2-aad ay Soo Saareen Guddiga Lagu Muransan Yahay oo Dib u Dhac Ku Dhow

0

Sida muuqata waxaa mar kale dib u dhac uu ku imaan doonaa Jadwalkii labaad ee ay maalmo ka hor soo saareen Guddiga doorashada lagu muransan yahay ee heer Federaal.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa dhawaan shaaciyay  inuu is bedel ku yimid jadwalkii doorashada Aqalka Sare ee loo balansanaa inuu dhaco inta u dhaxeysa 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021,islamarkaana la gaarsiiyay illaa 5 Janaayo 2021.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa sheegay is bedelka ku yimid jadwalkii hore uu ka dambeeyay markii codsi uga yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo ahaa in mudada waqtiga doorashada Aqalka Sare dib loogu dhigo waqtiga loo asteeyay.

Maanta oo taariikhda ay tahay 5 Janaayo 2021 ayay ku egtahay mudadii Guddiga ay sheegeen in la qabanayo codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare, islamarkaana looga dalbaday Madaxweynayaasha dowladd goboleedyada inay soo gudbiyaan Liiska tartamayaasha Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa uu Guddiga horay u sheegay in doorashada Aqalka sare ay dhici doonto 7-14 Janaayo 2021, oo labo cisho ay ka harsan tahay, waxaana muuqata in aanay dhaqan geli Karin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here