Jubba-land iyo Puntland oo Diyaarinayo Ciidamo Lagula Wareegayo Gobolka Gedo+Dhageyso

0

Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe), ayaa lagu eedeeyay in ay wadaan qorshe ciidamo lagu geynayo Gobolka Gedo si meesha loogu saaro ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolkaas.

Korneel C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in qorshaha lagu diyaarinayo Ciidamadaan ay wadaan labadda Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in ciidamadda la doonayo in lagula wareego Gobolka Gedo lagu diyaarinaayo Degmadda Doolow,kuwa kalana laga keynayo Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Dhanka kale Korneel C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe), oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay yihiin qaswadayaal doonaya in aysan dalka doorasho ka dhicin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here