Dowladda Sacuudiga oo Xayiraadii Ka Qaaday Qatar,Furtayna Dhamaan Xaduudaha

0

Dowlada Kuwait ayaa shaacisay in uu jiro heshiis horudhac ah isla markaana dib loo furayo dhamaan xaduudaha ay wadaagaan dalalka Sacuudiga iyo Qatar; dhul, bad iyo hawada.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kuwait  Ahmad Nasser Al-Sabah ayaa warkan ka sheegay telefishinkada dowlada Kuwait oo kamid ahayd dowladaha dhex dhexaadinta kawaday wadamada khilaafka ka dhaxeeyey ee Khaliijka.

Maraykanka ayaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay waday dadaal lagu wadahadalsiinayo Sacuudiga iyo Qatar.

Sanadkii 2017 ayey dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ku eedeeyeen Qatar inay xiriir la leedahay ururada argagaxisada iyo dowlada Iran, iyagoo xiligaasi xiriirka u jaray isla markaana kusoo rogay xayiraad dhinac walba ah.

Boqorka Sacuudiga Salman ayaa sidoo kale la sheegay inuu casumaad rasmi ah u diray Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Than inuu ka qeyb galo shirka dalalka Khaliijka GCC oo ka dhacaya wadanka Sacuudiga.

Qatar ayaa horey wax walba oo wadahadal ah ku xirtay in marka hore laga qaado xayiraada saaran.

Dalalka Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa la sheegay inaysan weli qeyb ka ahayn wadahadalada u socda Sacuudiga iyo Qatar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here